Barnaamijka Nafaqada Suuqa Beeraleyda ee Dadka Waaweyn

Barmaanijka Nafaqada ee Suuqa Beeraladayda Waayeelada (SFMNP) waxuu biixyaa kaar ay ku jirto $80 oo faa’iido ah (halmar la qaybsho),oo loo isticmaalo in lagu gato miro cusub iyo khudaar suuqyada beeralayda ee ka qaybqaata ama kuwa wadada taagan. Wuxuu kaloo taageeraa waxbeerista deegaameed iyadoo la kordhinayo isticmaalka suuqyada beeraladayda. Maalgalina barmaanijka wuxuu ka imaan Wasaarada Beeraha ee Mareykanka (USA) iyo Gobolka Washington.

Xaq-u-yeelashada

Si aad u codsato, dhammaan kuwan soo socda waa in ay run ahaadaan:

  • Da’daadu waa in ay tahay 60+ (ama da’da 55+ haddii aad tahay Hindida Mareykanka/Dadka Asal Ahaan u dhashay Alaska) marka ay taariikhdu tahay 30-ka Juun, 2024
  • Dakhligaagu hooseeyo — aan ka badnayn:
    • $2,322 bishii ($27,861 sannadkii) dakhliga halka shakhsi
    • $3,151 bishii ($37,814 sannadkii) dakhliga labada qofood
    • Qoysaska waaweyn, kuddar $829 oo loogu talagalay qof kasta oo dheeraad ah
  • In aad deggan tahay Degmada King, Washington (eeg summadaha degaanka ee Degmada King)

Ma awoodi doontid in aad soo gudbiso foomkan haddii aadan xaq u lahayn.

Xulashada

Dhamaan codsiyada u qalma waxaa la galin nidaam xulasho oo baqti-nasiib ah. Ha dalban codsi mid ka badan, codsiyada dheeraadka ah waa la saari. Hadii lagu doorto, waxaad heli kaarka SFMN xaga boostada Juulay, 2024 gudaheeda.

Codsiga SFMNP

Bayaanka lidka ku ah midab-takoorka

In laga madax banaanaado midab-takoor

Machadkan waxaa laga mamnuucay midab-takoor kusaabsan nooca qofka, dhallashada, caqiidada, diinta, midabka, asalka dhallashada, da’da, xaalad halyeeynimo ama ciidan, jiheyn galmo, naafonimo, ama isticmaalka hagid eey ama adeega xayawaan latababaray (adeega xayawaanku waa waa xayawaan si gooni ah loogu tababarey in uu qabto shaqada ama guto hawlaha asaga oo u qabanaya qofka qabba naafada). (RCW 49.60.030)

USDA

Sida waafaqsan qaanuunka xuquuqaha rayidka Dowlada iyo Wasaarada Beeraha ee Mareynka (USDA) xeerarka xuquuqaha rayidka iyo siyaasadaha, Wasaarada Beeraha ee Mareykanka, Wakaaladaheeda, xafiisyadeeda, iyo shaqaalaheeda, iyo machadyada kaqayb-qaadanaya ama maamulaya barnaamijyada Wasaarada Beeraha ee Mareykanka waxaa sidoo kale mamnuuc ka ah midab-takoorka kusalaysan dhallashada qofka, midabka qofka, asalka dhallashada qofka, nooca qofka, naafonimo, da’da, ama aargoosi kahor hawsha xuquuqaha rayidka ee barnaamij kasta ama hawl laga qabto ama laga maalgeliyo dhinaca Wasaarada Beeraha ee Mareykanka.

Dadka qabba naafooyin kuwaas oo u baahan qaabab xiriir kale oo bedelaad ah ee kusaabsan macluumaadka barnaamijka (tusaale ahaan. Luuqada dadka indhoolaha ah ee Braille, khad weyn, cajal dhagaysi ah, Luuqada Calaamada dadka indhoolaha ah ee Mareykanka ah, iwm.), waxaa khasab ku ah in ay laxiriiraan Wakaalada (Gobolka ama degmada) halkaas oo ay kacodsanayaan dheefaha. Dadka dhagoolaha ah, ay ku adagtahay in ay maqlaan ama qabba naafooyin hadalka ah waxay kala xiriiri karaan Wasaarada Beeraha ee Mareykanka tooska Adeega Xoojinta Dowlada lambarkan (800) 877-8339. Intaas waxaa sii dheer, macluumaadka barnaamijka waxaa lagu sameyn karaa luuqado aan ahayn Ingiriisi.

Si aad u dirtid fayl cabasho kusaabsan midab-takoorka, buuxi Foomka Cabashada Midab-takoorka Barnaamijka Wasaarada Beeraha ee Mareykanka, (AD-3027) uga gal sitoos ah boggaan internetka ah: https://www.usda.gov/oascr/filing-program-discrimination-complaint-usda-customer, iyo xafiis kasta oo Wasaarada Beeraha ee Mareykanka ah, ama warqad qoran ugu dir cinwaanka Wasaarada Beeraha ee Mareykanka kuna sheeg warqada dhammaan macluumaadka lagu codsaday foomka. Si aad u codsatid nuqul kusaabsan foomka cabashada, wac (866) 632-9992. Ugu soo gudbi foomkaaga oo buuxa ama warqada dhinaca Wasaarada Beeraha ee Mareykanka adiga oo kusoo gudbiya:

(1) Boosto ugu dir cabashada midab-takoorka dhinaca: U.S. Department of Agriculture
Office of the Assistant Secretary for Civil Rights
1400 Independence Avenue, SW
Washington, D.C. 20250-9410;

(2) Faakis ugu dir cabashada midab-takoorka dhinaca :(202) 690-7442; ama

(3) Iimayl ugu dir cabashada midab-takoorka dhinaca: program.intake@usda.gov.

Macluumaadka shakhsiyeed ee ku qoran foomkan waxay u hoggaansan yihiin Xeerka Diiwaannada ama Qoraallada Dadweynaha ee Washington, waxayna u hoggaansan yihiin shaacinta codsade dhinac-seddexaad ah. Haddii aannu nahay Adeegyada Naafonimada iyo Gaboobidda, ee Magaalada Seattle, waxaa naga go’an ilaalinta asturnaantaada waxaanna hubin doonnaa in shaacin kasta loo sameeyay si waafaqsan sharciga. Si aad wax badan uga oggaato sida macluumaadkan loo maareeyo fadlan eeg Bayaankeenna Astrunaanta.

Hay’adan waa fursad lamid ah daryeel bixiyaha.